|
Muqdisho,(insidesomalia.org)-Inta badan wadamada ku teetsan badaha Hindiya iyo red sea, isla markaana ka tirsan Hay,ada wax ka qabashada arimaha badaha ee loo yaqaano International Maritime Organisation (IMO) ayaa waxaa ay wada jir ahaan ugu baaqeen in ay gaareen hashiis wax looga qabanayo burcad badeeda ka dilaacday Badweeynta Hindiya gaar ahaana dhinaca galbeed ee badaasi.
War bixintaan ayaa waxaa lagu soo bandhigay 19 wadan oo ka mid ah wadamada dhinac dega Badweeynta Hindiya oo balan ku qaaday in ay ka hor tag balaaran oo ku aadan amaan xumida ka qaadi doonaan Xeebaha ay Burcad Badeedu ka qoowleeysato ee ku teetsan Gobol ahaan xaga Bada inta ay wadamadaasi ka war qabi karaan, iyadoo sidoo kalena ay wadamadaasi si weeyn uga doodeen waxka qabashada iyo sidii looga hortegi lahaa Burcad Badeeda ka dilaacday Biyaha Soomaaliya ee dhinaca xeebaha Bariga Afrika .
Qorshahaan oo ah qorshe ay isku soo daba riday Hay,ada ilaalada Xeebaha ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano (IMO) isla markaana ay qeeyb ka yihiin dhamaan wadamada dhinac dega badaha Hindiya iyo red sea ayaa waxaa laga soo saaray qodobo dhoowr ah oo ay ka mid yihiin sida in lala dagaalamo Burcada hubeeysan ee Soomaalida ah ee iyagu afduubka u geeysta Maraakiibta ku safarta Badaha Soomaaliya , waxaa kaloo laga soo saaray qodobo ku aadan ciqaabida Burcadkii lagu helo isaga oo dhac ka geeysanaya meel ka mid ah Xeebaha Soomaaliya .
Wakiilka Hay,ada ilaalada Xeebaha Chris Trelawney ayaa sheegay in baahida keentay in Hay,adu ay qabanqaabiso kulanka noocaan ah ay tahay Burcada aan naxariista laheeyn ee ka dilaacday Xeebaha Soomaaliya, isla markaana ay tahay in caalamku uu go,aan ka qaato sidii loola diriri lahaa Burcadaasi.
wakiilku waxaa kaloo uu intaa ku daray in dhamaan wadamadii ka soo qeeyb galay shirkaasi ay qalinka ku wada duugeen in la la dagaalamo Burcada Soomaalida ah ,isla markaana aan loo aabe yeelin cidii lagu helo iyada oo ka qoowleeysaneeysa Biyaha Soomaaliya.
Wakiilku waxaa kaloo uu intaa ku daray in iyaga Hay,ad ahaan ay kala kaashan doonaan dabar gooynta Burcadasi cid walba oo ay u arkaan in ay door ka ciyaarikarto sidii looga hortagi lahaa Burcada hubeeysan ee ka qoowleeysta Biyaha Soomaaliya.
|